Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Xalay Lagu Xidhay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Xabsi ku yaalla waxaa xalay lagu xidhay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland, kuwaasi oo gaadhay Magaaladaas.

20200120_091132.jpg

Xubno ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa xaqiijiyay in Boosaaso lagu xidhay Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda Magaciisa lagu sheegay Eng Maxamed Cali Beeldaaje.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta loo xidhay Mas’uuliyiintan ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha Musuq-maasuq ay sameeyeen, waxaana markii dambe lagu lagu xidhay Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Weli ma jiro wax war ah faah faahin ah oo laga bixiyay Musuq-maasuqa lagu eedeeyay inay sameeyeen Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this