Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraalkii rasmiga ahaa ee ay Boqorada Ingiriisku ku fasaxday Wiilkay Ayeyda u tahay Amiir Harry & Xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

 – Waxaan qirsanahay xaaladda adag ee ay mudada labada sano ah kusoo jireen., waxaana ku ayiday go`aankooda ah in ay sameystaan nolol cusub oo u gaar ah”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ay soo saartay boqoradda.

Qoraal ay horay u soo saareen Amiir Harry iyo marwadiisa Meghan ayay ku sheegeen in ay isaga baxeen safka hore ee daladda reer boqorka Ingriiska kaddib bilo ay arrintani ka baaraandagayeen.

Qoyskan da`da yar ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay isku tashan doonaan dhaqaale ahaan iyo in ay keligood taagnaadaan, balse ay taageero buuxda iyo garab-istaag u hayaan boqoradda oo Harry ayeydii ah.

Meghan Markle iyo Amiir Harry ayaa sheegay in ay u dhaxeyn doonaan deegaan ahaa Waqooyiga Ameerika iyo Britain.

“Khilaafka” u dhexeeya Amiirka iyo qoyskiisa reer boqor ayaa muddooyinkii u dambeeyay bannaanka imaanayay, iyadoona la arkayay faquuq lagu hayo oo ay u dambeeysay dabaaldeggii Chrismaska xilligaas oo sawirka amiirka iyo xaaskiisa laga waayay miiskii ay khudbadda ku akhrineysa boqoradda iyo in ay ka guureen gurigii ay ka dagnaayeen duleedka magaalada London.

Meghan ayaa loo badinayaa in ay galaafatay Harry sababo la xiriira in aan lala rabin.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this