Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadada xariirisa Muqdisho & Afgooye oo la xiray + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka la xiray gabi ahaan wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah darawallada gaadiidleyda ee isticmaala jidkaasi.

Gaadiidleyda aaan la hadalnay ayaa sheegay inay u wareegeen jid cade ka baxa dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray wadadaan oo ay dhismo ka wado shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta ugu weyn ee gaadiidka kala duwan looga joojiyey isticmaalka wadadaasi ay tahay arrimo amni, iyadoona la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay inay xoojiso amniga Injineerada iyo shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha jidka isku xiray magaalooyinka Muqdisho & Afgooye.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay shirkadda ka dalbatay in ay sii wado shaqada dhismaha wadadaasi.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale wadada dhismaha ka socdo geysay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo dhismaha jidkaas, islamarkaana halkaas la geeyo qalab cusub oo ay leedahay shirkadda qaadatay mashruuca, maadaama qalabkii hore uu burbur ka soo gaaray qarixii ugu dambeeyey ee dhowaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah dhismaha wadadan, iyadoo marar kala duwan qaraxyo khasaaro geystay la eegatay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada halkaasi oo uu ugu dambeeyey mid kii Afgooye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this