Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adaha ammaanka ee Muqdisho oo saacadihii tagay heegan la geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarumaha Safaaradaha Turkiga iyo Imaaraadka ee ku yaalla xeebta liido, ammaanka dekadda Muqdisho iyo nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya kadib markii la sheegay in la helay xog sheegeysa in ay Al-Shabaab qorsheeyeen weeraro argagixiso.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in hay’adaha ammaanka lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan weeraro argagixiso oo gawaari loo adeegsado, waxayna arrintaas sababtay in la adkeeyo ammaanka.

Waxaa la baarayaa dhamaan gaadiidka isticmaala goobaha aan soo sheegnay oo aan markii hore baaritaan mari jirin, sidoo kale waxaa la keenay ciidan iyo gaadiid dagaal oo hareeraha laamiga safan, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadanayaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Lama sheegin nuuca gaariga iyo tirada kooxda la sheegay in xogtooda la helay ee weerarka soo ah, laakiin waxaa la sheegay in gaarigaas iyo kooxda saaranba ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Adkeenta ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha aan kor ku soo xusnay ayaa sidaan oo kale adkaa wixii ka dambeeyay weerarkii sabtidii ka dhacay waddada Afgooye. Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in xarumahaasi ay weeraraan oo ay ugu horreeyaan Safaaradda Turkiga iyo Dekadda Muqdisho oo ay maamulaan Turkida.

Al-Shabaab ayaa sabtidii weeraray Kolonyo Turki ah oo ku sugnaa meel u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this