Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu qaadey saldhiga ciidamadda ee Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku ekeeyeen fariisin ciidanka ku leeyihiin magaaladda Marka.

Saldhiga ayaa ku yaala bariga degmada gaar ahaan halka loo yaqaano Ruusiya oo laga soo galo xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Baafow, gudoomiyaha Marka, ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay iska hor-imaadka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay madaafiic ku tuureen saldhiga, isla markaana ciidamadda kaga jawaabeen hub culus.

Gudoomiye Baafow ayaa meesha ka saarey in hoobiyeyaasha ay ganeyn askarta AMISOM ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay dagaalka ka dhanka ah xerooyinka Ciidanka Xooga Soomaaliya ee gobolada kala duwan ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this