Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday Marka iyo dagaal culus oo ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka-(Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal toos uu xilligaan ka socdo, kadib markii ay weerar culus ku soo qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarka ay goor dhaw Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Marka ayaa ku bilaawday qaraxyo aad u culus oo lagu sheegay is-miidaamin, kuwaas oo ka dhacay fariisimo ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin xaafadda Ruusiya ee dhacda dhanka Bari ee magaalada.

Qaraxyada waxaa xigay weearar dhowr jiho ah oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku soo qaadeen magaalada, waxaana haatan Marka ka socda dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Weli lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha magaalada, waxaana aad u kacsan xilligan xaaladda magaalada Marka.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this