Deeq A. Posted January 19, 2020 Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 2-aad maamulka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen ayaa maanta kulan Dhuusamareeb kula qaatay qaar ka mid ah musharraxiinta u taagaan xil ka madaxweynaha maamulkaasi. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug iyo sida ugu fudud ee looga gudbi karo caqabadaha weli hortaagan Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka lagu soo qaaday tabashada ay weli muujiyaan inta badan musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Gacal oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu baarlamaanka soo magacaabi doodo guddiga doorashada, kadibna la guda gali doono dhimeystirka Galmudug. Dhuusamareeb oo lagu qaban doono doorashadaasi ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa mashquul badan, waxaana ku qul-qulaya wufuud kala duwan. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article Share this post Link to post Share on other sites