Sign in to follow this  
Deeq A.

S/land oo soo bandhigtay ciidan ka goostay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa maanta magaalada Laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool ku soo dhaweeyey Ciidamo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland.

Ciidamada oo tiro ahaan gaarayey illaa 30 askari ayey Somaliland sheegtay inay heli doonaan xuquudooda, islamarkaana ay ka mid yihiin kuwa maamulkaasi.

Sidoo kale saraakiisha Somaliland ayaa sheegay in ciidamadaani ay Puntland uga howlgali jireen deegaanka Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.

Si kastaba ha’ahaatee weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan ciidamadaasi ku biiray Somaliland.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

Ciidan-u-goostay-Somaliland 1-2 2-41-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this