Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo war kasoo saaray qaraxii duleedka Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mogadishu (Caasimadda Online) Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay shalay ku geeriyoodeen afarta qofood kana dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa war qoraal ah ku cambaareysay weerarkii shalay dhacay, waxeyna tacsi u dirtay qoysaskii ay dadkooda ku dhibaatoobeen dhibaatadii dhacday.

Imaaraadka oo horay loogu eedeeyay qaraxii bishii hore dhacay Ex Control Afgooye ayaa kasoo horjeestay falalka argagixiso ee lagu qal-qal galinayo xasiloonida Soomaaliya, sidoo kalana waxey wax laga xumaado ku tilmaameen in la laayo dad aan waxba galabsan.

War-Saxaafadeedka oo qoraal ahaa waxey Imaaaraadka ku sheegeen iney taageero la garab taagan yahiin bulshada Soomaalida, sidoo kalana waxey caafimaad buuxa u rajeeyeen dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii shalay.

Wararka la helay shalay waxey sheegeen in 11 qofodo ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo ay ku jiraan 6 qof oo u u dhashay wadanka Turkiga.

Shaqsiyaadka Turkida ah waxey ka tirsanaayeen shirkadda qaabilsan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qorshahaas maalgalinaya dowladda Qatar.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii ugu dambeeyay, waxaana la fahamsan yahay iney weeraradaan ula beegsanayaan dadka u dhashay turkiga in dowladooda ay taageero militari siiso dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this