Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta Shirkadda Turkiga ee dhismaha jidka Afgooye ula baxday qalabkeeda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) Shirkadda Turkiga ee dhismaha ka wada wadada xiriirisa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada Muqdisho  ayaa lasoo baxday qalabkeeda.

Shirkadda ayaa maanta bilowday in ay qalabkii ay ku shaqeynayeen dib ugasoo rarto, iyadoo usoo daabushay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sida ay illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, sababta loo soo raray qalabka ayaa ah in la badalo qalabkaas maadaama ay dhibaato kasoo gaartay qaraxii ugu dambeeyey oo ay Al-Shabaab ka sameeyeen jidkaas.

Wadada dhismaha ka socdo ayaa hadda waxaa lagu soo daadiyey ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo dhismaha jidkaas isla markaasna halkaas la geeyo qalab cusub oo ay leedahay shirkadda qaadatay mashruuca dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Afgooye.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga mar uu ka hadlayay qarax shalay lala beegsaday Injineeradaasi ayuu sheegay in aysan hakin doonin weerarada ay gaystaan Shabaab hawlaha ay ka hayaan Soomaaliya iyo garab Istaagga dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri.” wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this