Deeq A. Posted January 19, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland maanta uga fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamo ku gaareen deegaano ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-ShabaabAl-Shabaab, kuwaas oo hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu dagaallo ay la galeen Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Korneyl Idiris Kuusow Cabdi oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa howlgalkaasi ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay jab gaarsiiyeen Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Bangaani, Araare iyo Maleeley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaq Milatari oo xoogan laga dareemayaa gobollada Jubbooyinka ee hoostaga maamulka Jubbaland. Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe xoojiyey dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites