Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyey Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in lagu xaqiijinayey amniga, maadaama dhowaan doorasho lagu qabanayo magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay ciidamadu ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wax kasta oo qatar ku ah nabadgalayda.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tiran labada Aqal iyo taliyaha ciidanka qeybta 21-aad ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii ku dagaalamay G/Galgaduud.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintaan ayaa tilmaamay in xal laga gaaray xiisadii u dhexeysay beelahaasi oo dhowaan ku dagaalamay duleedka magaalada Cadaado ee gobolkaaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/warar.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this