Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo soo dhaweysay ciidan ka soo goostay Puntland + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Milatariga Somaliland ayaa maanta magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ku soo dhaweeyey ciidamo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland, kuna biiray kuwa maamulka Somaliland.

Ciidamadaan oo warbaahinta loo soo bandhigay ayaa waxa ay tiradooda Somaliland ku sheegtay illaa 30 askari oo uu ku jiro taliyaha hoggaaminayey.

Sidoo kale saraakiisha Somaliland ee la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankan ay Puntland uga howlgalayeen deegaanka Boocame oo ka tirsan isla gobolka Sool, balse haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidanka Qaranka Somaliland.

Dhankiisa taliyaha hoggaaminayey ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland oo ugu horreyn ka mahaceliyay soo dhoweynta loo sameeyey ayaa xusay inay ka shaqeyn doonaan nabad galyada, sidoo kalena ay xoojin doonaan howlaha lagu sugayo amniga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiihsa ciidanka Puntland ee ka howlgala gobolka Sool, kuna aadan goosashada ciidamadaasi.

Somaliland iyo Puntland oo isku haya Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay inta badan soo bandhigaan ciidamo uu midba mid ka kale sheeganayo inay dhankiisa u soo goosteen.

Ciidan-u-goostay-Somaliland.jpg 1-2.png 2-41-1.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this