Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalinyaro ah oo Xaaskiisa oo u dhashay 9 carruur ah ku dishay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Wiil dhalinayro ah oo la sheegay inuu shacab ahaa.

Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Maxamed Macalin ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka uu u dhacay dilkiisa.

Wararka qaar ayaa sheegayo inay wiilkaan dileen kooxo ku hubeysan buskoolad balse wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegaya in wiilkaas ay dishay xaaskiisa kadib muran soo kala dhex galay labadooda.

Wiilkaan la dilay ayaa Abbe u ahaa sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen 9 Caruur ah, isla markaana Xaaskiida dilka u gaysatay ay u dhashay.

83442189_3459986147376557_71965769269227

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxaana ay ka wadaan baaritaano ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayan in Cabdisalaam Maxamed Macalin uu la shaqeeynayan muddooyinkii dambe Maamulka Degmada Afgooye, hayeeshee Maanta xilli uu ku sugnaa Bartmaha Magaalada la toogtay.

Degmada Afgooye ayaa xiliyadda qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta kooxda Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this