Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo la daah-furay

Recommended Posts

Deeq A.   
10-3.jpg?resize=1000%2C668&ssl=1

Caasimadda Puntland ee  Garoowe, waxaa xalay laga daahfuray Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka dowlada Puntland.

Golahaan oo ah mid Dastuuri ah, waxaa magacaabay madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Abdulaahi Deni,waxaana xeerkiisa meel mariyay Barlamaanka Puntland, Golaha la daahfuray waxa uu ka shaqayn doona Hubinta ,Ruqsad siinta diiwaangalinta ,kormeerka,tayaynta, dhawrista iyo Ilaalinta Xarumaha Caafimaadka.

Munaasabadda daah-furka Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka, waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, oo ay weheliyaan wasiirka Caafimaadka Dr Jama Farax Xasan iyo mas’uuliyiin tirsan Goleyaasha dowladda, Xubnaha Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jama Farax Xasan oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa si mugleh u soo dhaweeyay Golaha oo mid dowliya ah, islamarkaana hoostaga wasaaradda Caafimaadka, waxaana uu xusay  in  ka wasaaraddu ay la socon doonto shaqada Golaha  sidoo kale ay ilaalin doonto xirfadlayaasha iyo xarumaha caafimaadka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa bogaadiyey oo dhiirigeliyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu tilmaamay in uu yahay Guddi muhiim ah dowladda Puntland marka la eego shaqada baaxadda weyn ee uu qaban doono.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in dowladdu garab muuqda siindoonto, lana shaqayndoonto Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin.

Hoos ka eeg sawirada daah-furka

16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 9-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 11-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 12-2.jpg?resize=1000%2C575&ssl=1 7-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 13-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-15.jpg?resize=1000%2C781&ssl=1 14-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-24.jpg?w=1000&ssl=1 3-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Warbixin: Golaha Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo la daah-furay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this