Deeq A. Posted January 19, 2020 Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= View the full article Share this post Link to post Share on other sites