Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad: Sacuudigu waa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo saaka wareysi gaar ah siinayey wargeeska Sharq Al-Awsat, ayaa si diblomaasiyadeed uga jawaabay su’aalo laga weydiiyay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Saudi Arabia iyo Imaaraatiga (UAE).

Wasiirka oo la weydiiyay su’aaal ahayd ka warran xiriirka Soomaaliya iyo Saudi Arabia, ayaa ku jawaabay: Xiriirka Soomaaliya iyo Saudi Arabia, waa mid aad u sarreeya oo dhinacya kala duwan leh, soona jiray Qarniya badan, isagoo intaasi raaciyay ” waxaan rabaa in aan halkaan ka sheego arrin aan dad badani ogayn, taasi oo ah in dowladda Saudi Arabia,ay  tahay taageeraha ugu weyn Soomaaliya tan iyo Xornimadii dalkeenna 60-sano ka hor ilaa iyo maanta”.

Wasiir Cawad ayaa sheegay, in taageerada dowladda Saudi Arabia ay siiso Soomaaliya, aysan ku koobnayn oo keliya taageero maaliyadeed, balse ay sidoo kale ka caawiso dhammaan dhinacyada kala duwan oo ay ku jirto Arrimaha Siyaasadda, islamarkanaa ay tahay dowladda keliya ee Soomaaliya la leh xiriir dhow oo aan marnaba isbeddelin.

Dowladda Sacuudiga, waxaan la leenahay xiriir dhow oo sugan, kaasi oo aan marnaba isbeddelin, waxaanna ku garab-istaagnay welina ku garab taagannahay, dhammaan mowqifyadeeda siyaasiga ah. Garab-istaaggeenna Sacuudiguna waa mabda’ siyaasadeed oo Soomaaliya leedahay, kaasi  oo aan ku xirnayn hadba cidda xukunka haysa” ayuu sii raaciyay Ambassador Cawad.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in hay’adda KHAYRIGA ah ee boqor SALMAN, ay kaalin laxaad leh ka qaadatay caawinta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana hay’addaasi tan iyo markii la as’aasay, ay Soomaaliya ka fulisay in ka badan 40 mashruuc oo KHAYRIYA, kuwaasi oo ay ku baxday lacag dhan $184 malyan oo Dollar.

wargeeska Sharq Al-Awsat, ayaa sidoo kale wasiirka weydiiyay sida uu hadda yahay xiriirka Soomaaliya iyo dalka Imaraadka Carabta? Waxaana wasiirku ku jawaabay:  Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadku wuxuu mudda dheer ahaa mid hormarsan, waxaana dowladda Imaaraadka uga mahadcelinaynaa, garab-istaageeda iyo taageerada ay Soomaaliya mudadaasi ka saacidaysay dhinacyo badan, waa run in uu isfaham-waa naga dhexjiray bilihii la soo dhaafay, kaasi oo ku aaddanaa dhawr arrimood.

 “Waxaa jirtay isku dayo ay sameeyeen dowlado saaxiibo la’ah labadeenna dhinacba, si loo dhammeeyo isfaham-waaga naga dhex jira, waxanna ku dadaalaynaa in xiriirkeenna aan ku soo celinno sidiisi hore, waayo? Waxa naga kulmiya ayaa ka weyn waxa na kala geeya. Si cad waxaan u aaminsanahay in khilaafkeennu uu yahay ‘guulaamo Xagaa’  (daruur xagaa) oo suuli doonta dhowaan, haddii ilaahay idmo” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Wasiir Cawad: Sacuudigu waa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this