Sign in to follow this  
Deeq A.

Tukiga oo shaaciyey war farxad geliyey Soomaaliya, kadib weerarkii Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo si weyn u taageerta dowladda federaalka ayaa ayaa ku dhawaaqday war farxad galiyey shacabka Soomaaliyeed, kadib weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu oo si adag kaga hadlay weerarkaas oo lala eegtay Injineero Turki ahaa ayaa sheegay inuu muujinayo markale wejiga foosha xun ee kooxda argagixisada, sida uu hadalka u dhigay.

Mr. Cavusoglu ayaa sidoo kale tilmaamay in weeraradaan aysan hakin doonin howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, taas oo farxad galineysa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay mar weliba garab taagnaan doonaan walaalahooda Soomaaliyeed.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri.” wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Bishii December ee sanadkii tegay ayey aheyd markii weerar ismiidaamin ahaa Al-Shabaab ay ka fulisay Ex-Control, kaas oo ay ku dhinteen labo ka mid ahaa Injineerada dalka Turkiga, waxaana sidoo kale qaraxaas ku naf waayey ku dhawaad 100 qof oo rayid ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this