Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo soo dhoweysay go’aankii RWKhayre

Recommended Posts

Deeq A.   

La-taliyaha sare ee dhanka warbaahinta Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabelle, Xasan Cabduqaadir Muudey oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa si kulul eedeyn ugu jeediyay labada wasiir ee kala ah maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya.

Xasan C/qaadir Muudey ayaa madaxda sare ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cadaawadda uu kula kacay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle maamullada hir shabelle iyo Galmudug, taasi oo ku aadan in gabi ahaan uu ka reebay mushruuc ku kacayey 112 Milyan oo lagu dhisayo Caasimadaha maamul goboledyada iyo Muqdisho.

La-taliyaha dhinaca warbaahinta madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Waare ayaa tilmaamay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu  cadaalad darro badan ku sameeyay inta uu xil ka wasaaraddaasi hayay dowlad goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/shardi-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this