Deeq A. Posted January 19, 2020 Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug ayaa maanta la filayaa in kulankoodii ugu horreeyey ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomin doono, Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka labaad ee Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulankaan xildhibaanadu ay ku doortaan guddiga qaban qaabada doorashada mmadaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug. Dhisamaha Galmudug oo muddo dheer soo jiitamayey ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan la soo gabagabeeyo, lana qabto doorashada hoggaanka maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites