Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye Cusub Oo Loo Magacaabay Dekadda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa maareeye cusub waxa uu u  magacaabay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wareegtada magacaabista ayaa sidan u qoran:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this