Sign in to follow this  
Deeq A.

ONLF oo shaacisay in maamulka Mustafe Cagjar uusan fulin Heshiis ay wada-galeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa Garsoorka jabhadda ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ,oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta lagu magacaabo SSTV, ayaa qeyb kamid ah wareysigiisa oo saaka la baahiyay, waxa uu kaga jawaabay su’aal la xiriirtay halka uu ku dambeeyay Ciidankii jabhadda ONLF, kadib Heshiiskii jabhaddaasi iyo dowladda Ethiopia.

Qalbi  Dhagax ayaa sheegay, in jabhadda ONLF iyo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee u hoggaamiyo Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ay ku heshiiyeen in dib loo qarameeyo ciidanka jabadda, islamarkaana daryeel gaar ah loo sameeyo naafadii ciidankaasi ee ku waxyeelloobay halgankii ay la galeen ciidamada Ethiopia.

Wuxuu sheegay in ciidanka ka badan saddex kun oo askari ay ku wareejiyeen maamulka Mustafe Cagjar, balse maamulkaasi uu dayacay ciidankii lagu wareejiyay, taasina ay keentay in ay kala firdhadeen oo qaarba meel ka dhacay.

Sidoo kale, Qalbi Dhagax ayaa tilmaamay in ay qoraal cabasho ah u gudbiyeen maamulka dowlad degaanka Soomaalida, qoraalkaasi oo ay ku dalbanayaan in la fuliyo Heshiiskii Qaramaynta Ciidanka ONLF,  inkastoo uu xusay in aysan weli jawaab ka helin.

PUNTLAND POST

The post ONLF oo shaacisay in maamulka Mustafe Cagjar uusan fulin Heshiis ay wada-galeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this