Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo ogolaatay in ay dhiibto sanduuqa madow ee diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay soo ridday

Recommended Posts

Deeq A.   

Iran oo ogolaatay in ay dhiibto sanduuqa madow ee diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay soo ridday

 

diyaraddhacdayiran.jpeg

Xukuumadda Tehran ayaa shaaca ka qaaday in ay ku wareejineyso Ukrain sanduuqa madow ee diyaaradda rakaabka aheyd ee ay soo ridday 8-dii bishan Janaayo .

Diyaaraddan oo lala dhacay labo gantaal oo is-xiga ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 176 qof oo 10 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda, halka 166-da kalena ahaayeen rakaabkii diyaaradda oo u badnaa dad dhalasho ahaan Iran kasoo jeeday balse haystay baasabooradda dalal reer galbeed ah.

Dowladda Iran ayaa horay u diiday in ay wareejiso xanduuqa madow, balse iminka waxa ay badashay go`aankeeda.

Hassan Rezaifar oo Iran u qaabilsan wasaaradda duulista iyo hawada ayaa sheegay in ay la kaashan doonaan khubaro kasoo kala jeeda dalalka Mareykanka, France iyo Canada sidii la isugu aadin lahaa sanduuqan oo uu dhaawac soo gaaray.

Iran ayaa maalmo kadib qiratay in ay iyadu soo ridday diyaaraddan, ayna u qaadatay mid cadow leeyahay oo duqeyn fulin rabtay.

black-box.jpg

Diyaaradda ayaa lasoo riday saacado kadib markii Iran ay duqeysay saldhigyo ciidan oo uu Mareykanku ku leeyahay Ciraaq taas oo ay ugu aargudayeen generaalkii uu Mareykanka uga dilay magaada Baqdaad 3-dii Janaayo ee Qaasim Suleymaani.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this