Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkey oo war kasoo saartay khasaaraha qaraxi maanta kasoo gaaray muwaadiniinta Turkish-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Shaqaale u dhashay Turkiga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, oo ilaalo u ahaa kaasi oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inay dowladiisa cambaareeneyso weerarkii ka dhacay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo uu sheegay in lala eegtay dad Shacab ah iyo Shaqaale u dhashay dalkaas.

“Waxaan dhaleeceynaynaa weerarkii argagixiso ee lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan kaasoo lagu dhaawacay 11 qof oo rayid ah iyo afar muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga” ayuu yiri Hulusi Akar.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto garab istaaga Shacabka Soomaaliya, isla markaasna ay ka caawin doonto dagaalka lagu jiro argagixisada.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey, 20 kale oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga, ayaa ku dhaawacmey kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday kolonyo booliis ah oo galbineysay qandaraasleyaal Turkish ah.

Sida laga soo xigtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, afar shaqaale oo u dhashay Turkye kana tirsanaa shaqaalaha shirkad dhismaha ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaas oo ay Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadiisa.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay lala beegsaday ciidamada ammaanka ee ilaaliya muwaadiniinta Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

28-da Bishii Diseembar, ugu yaraan 85 qof oo ay ku jiraan laba muwaadin Turki ah ayaa lagu diley in ka badan 150 kalena waa lagu dhaawacay weerar baabuur ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex Control kaasoo ugu dambeyn ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya, waxayna gudaha Soomaaliya ka fulisay 150 Mashruuc oo horumarineed tan iyo sanadkii 2011 markaas oo uu Madaxweyne Erdogan booqasho lama filaan ah ku imaaday Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this