Deeq A. Posted January 18, 2020 Muqdisho (SMN) – Amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka. Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa,iyadoo Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ay maanta si wadajir ah u wada saxiixdeen heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites