Deeq A. Posted January 18, 2020 Xildhibaanada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankii 30-aad ee Kalfadhiga 6-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu Ajandahu ahaa Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Kulanka ayaa waxaa shir guddomiyey guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, iyada oo ay ku-wehliyaan guddomiye ku-xigeenka 1-aad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad Moowlid Xuseen Guhaad. Waxaa hortagay Golaha Aqalka Sare wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaaradda. Sidoo kale Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa intaasi kadib ka dooday Akhrinta 2-aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites