Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha aqalka sare oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankii 30-aad ee Kalfadhiga 6-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu Ajandahu ahaa Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddomiyey guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, iyada oo ay ku-wehliyaan guddomiye ku-xigeenka 1-aad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad Moowlid Xuseen Guhaad.

Waxaa hortagay Golaha Aqalka Sare wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaaradda.

Sidoo kale Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa intaasi kadib ka dooday Akhrinta 2-aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

83129507_2664012560385942_6184963007450185728_o 81979408_2664013017052563_5622240605691183104_o 82203588_2664013003719231_763687907268493312_o 82295393_2664019477051917_5005938637238435840_o 82386834_2664012573719274_3991099072772571136_o 82514697_2664009363719595_533140028528787456_o 82787164_2664012667052598_2119825836730220544_o 82825206_2664013147052550_6867115131017363456_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this