Deeq A. Posted January 18, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamiin ah oo maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay Injineero Turki ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad shacab ah, askar iyo shaqaale Turki ah. Dr Amiin Samakaal oo ka howlgala xarun caafimaad oo ku taalla Ceelasha Biyaha ayaa inoo sheegay in la soo gaarsiiyey illaa 7 qof oo ku soo dhaawacantay qaraxaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, waxaana ay baahisay inay waxyeelo ku gaarsiisay Injineero Turki ah iyo ciidamo Soomaali ah. Ugu dambeyn safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Memhmet Yilmaz oo u warramay wakaaladda Reuters ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay uga dhaawacmeen ugu yaraan saddex Injineero ah, isagoo intaasi ku daray in dhaawaca ka dhashay weerarkaan uu gaarsiisan yahay 11 ruux oo ay ku jiraan askar ilaali u aheyd Injineerada dhaawacmay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites