Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Adduunka oo 112 Milyan ku hormarinaya Garowe, Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1579345978911.jpg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud XFS iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashuuc ku kacaya 112 Milyan oo doolar oo lagu dhisi doono qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

Mashruuca la saxiixay oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga fulin doonaa maagaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana maalgalinta bixiyey Bankiga Adduunka.

Wasiirada Maaliyadda dowlada goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Kunfur Galbeed ayaa dhawaan iyagana laga saxiixi doonaa mashruucan, sida uu sheegay Wasiir Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow.

Sidoo kale Wasiirka Howlaha Guud ayaa sheegay in qeybta labaad ee mashruucan laga fulin doono magaalo madaxdyada kale ee dowlad goboleedyada.

Magaalada Muqdisho ayaa mashruucan qeyb ahaan ka heshay lacag ku dhow 28-Milyan oo doolar.

PUNTLAND POST

The post Bankiga Adduunka oo 112 Milyan ku hormarinaya Garowe, Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this