Sign in to follow this  
Deeq A.

Injineero Turkish ah oo qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-Afgooye-Puntland-Post.jpg?w=1000&sGoobta qaraxu ka dhacay

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax ayaa lala beegsaday  ajaaniib ah Turkish ah iyo ilaali Soomaali ah oo ay wateen.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Afgooye, ayaa laga soo xigtay in qaraxaasi, oo ahaa mid ismiidaamin ah lala beegsaday Injineero u dhashay waddanka Turkiga iyo askar ilaalo u ahayd.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi, waxa ku dhaawacmay 8 ruux oo 4 kamid ah ay ahaayeen injineero Turkish ah, inkastoo aan weli la soo werin haddii khasaare dhimasho uu jiro.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in muwaaddiniin u dhashay dalkeeda  oo ka shaqeynayey mashruuc dhanka dhismayaasha waddooyinka ah ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Malayshiyaadka Al-shabaab oo durba sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, ayaa dhankooda xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhaawaceen ilaa 4 injineer oo kamid ahaa shaqaalaha Turkish-ka.

28-kii bishii December 2019, laba injineer oo Turkiga u dhashay ayaa ka mid ahaa 80 qof oo lagu dilay weerarkii Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Injineero Turkish ah oo qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday Afgooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this