Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qarax maanta ka dhacay inta u dhaxeysa MUQDISHO iyo AFGOOYE

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Faah faahin ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee duleedka degmada Afgooye.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftii halige ah ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamo Boolis ah iyo gaari kale oo ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay halka loo yaqaano bood-boodka gaar ahaan kontarool ay ciidamadda dowladdu ku leeyihiin goobtaas.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa shaqaalaha Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dayac-tir lagu waddo.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa la sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray, si dhab ah looma og tirada dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaray Ciidamada Booliska.

Balse warar ay heshay Caasimadda Online, ayaa sheegaya inuu qaraxa ku dhawaacmay  Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad ee uu Turkigu tababaray Cabdiwali Fanax.

Sidoo kale warar aan la hubin ayaa sheegayo inuu qaraxa dhaawac kasoo gaaray laba kamid ah Injineerada Turkiga ee dhisayo jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xirtay meesha uu qaraxa ka dhacay waxaana hakad la geliyay gaadiidka u kala safra Muqdisho iyo Afgooye.

Dhaawaca Taliye ku xigeenka ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana weli si rasmi ah loo ogeyn nooca uu yahay dhaawaca soo gaaray.

Bil ka hor ayey aheyd markii Kooxda Al-Shabaab ay qarax xooggan Isgoyska Ex Control kula beegsatay saraakiil Turki ah oo ka tirsan kuwa dhisayo wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qaraxaas ku dhintay ku dhawaad 100 qof oo Shacab ah iyo 2 Injineer oo Turki ah.

279475bd-dfcb-45fd-b344-ac4f3a322b68.jpg 1f45fd35-afd2-4d86-860b-923ef6d7b783.jpg 4a09a093-293c-40d3-9f9c-0b783262f3de.jpg ae7ec924-09d2-4892-8264-19f3720062ed.jpg 92e6e1ca-b88c-4c62-af9c-c75163e55b20.jpg e627744b-0d2a-494b-a598-28fbdc5b9c34.jpg 4fb89bf4-814d-49c4-82db-2c88dceed68f.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this