Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya bam lagu weeraray dad shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo lagu qaaday mehrad ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla degmada Kaaraan.

Weerarka ayaa si gaar ah xalay fiidkii hore uga dhacay xaafadda Kalluunka oo ka tirsan degmadaasi.

Ugu yaraan illa todobo qof oo shacab aha ayaa ku dhaawacmay weerarkan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammanaka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka bixiyey weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cqani-1.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this