Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka isaashiga Puntland iyo Jubbaland oo ka furmay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay shirka iskaashiga ee maamulladaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Inta uu socdo shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee daka, arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, dib u eegista Dastuurka iyo doorashooyinka.

Sidoo kale gabagabada shirka ayaa waxaa la filayaa in War-Murtiyeed laga soo saaro, kaas oo ku aadan waxyaabihii laga wada hadlay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo saameeyey wada shaqeynta saddexdaasi dhinac.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this