Deeq A. Posted January 18, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Labada madaxweyne; Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay dekedda magaalada Boosaaso iyo xarunta Wasaaradda Dekedaha Puntland ay ku leedahay magaalada Boosaaso. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada madaxweyne ay booqdeen Taliska saldhiga bartahama Boosaaso iyo xarumo kale oo dowladeed, islamarkaana ay u kuur-galeen sida ay shaqooyinku u socdaan. “Waxaa kale oo wafdigu ay booqdeen Xarunta Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo booqday dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites