Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidanka Uganda oo ‘lagu dilay’ weerar ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaal ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay kula gashay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo qaatay muddo saacad ah ayaa ka dhacay deegaanka Mashalaay oo hoos yimaada degmadaasi.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay weerarka qaadeen, islamarkaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada huwanta.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda iyo mid Soomaali ah ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay dagaalkasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Dhanka kale ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab welina wax hadal ah kama soo bixin AMISOM iyo saraakiisha ciidanka dowladda.

Xaaladda ayaa maanta yara dagan, basle ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay nawaaxiga degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley oo ay xalay weeraro ka dhaceen.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ee k/ Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this