Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Jubaland oo shir uga socdo magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta oo Sabtiya ku shirsan madaxda ugu sarraysa Puntland iyo Jubaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan wasiirada labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa si wadajir ah u guddoominaya shirkaasi, oo ku saabsan iskaashiga labada dowlad goboleed, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha falanqeeyay arrimaha siyaasadda, Puntland iyo Jubaland, waxay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan sida loo wajahayo hannaanka doorashada 2020/2021-ka iyo dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.

Xeel-dheerayaasha, ayaa sidoo kale sheegaya in Puntland iyo Jubaland, ay hadda aragti midaysan ka qabaan khilaafka xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo ay aaminsan yihiin in xallinta khilaafkaasi, uu ku imaan karo in dowlad goboleedyada lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Jubaland oo shir uga socdo magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this