Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru Kenyatta oo amar ka dhan ah Al-Shababa siiyey ciidamada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey weerarada dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Kenya looga fadhiyo inay sida ugu dhaqsiyaha ah uga jawabaan, uguna hortagaan weeraradaasi.

Uhuru oo kulan gaar ah Mombasa kula qaadanayey saraakiisha amniga Kenya ayaa faray inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda ammaan ee gobolka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in hadda kadib ciidanku ay isticmaali doonaan xeelado dhanka sirdoonka ah, iyaga oo kaashanaya dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu ay beegsan doonto dadka maal-geliya kooxda Al-Shabaab iyo kuwa qorsheynaya inay ku biiraan intaba.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fred Matiang uu sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay garab ka helaan dadka deegaanka, marka ay weerarada ka fulinayaan deegaanada Xadka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wixii ka dambeeyey markii la guda galay sanadkan 2020 sare u qaaday weerarada ay ka fuliso Kenya, iyadoo beegsatay saldhigyo ciidan oo muhiim ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this