Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab weerar afar jiho ah ay ku qaadeen degmadaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Inta la xaqiijiyey labo askari oo Boolis ahaa ayaa ku dhintay dagaalkaan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi oo uu xoogiisu ka dhacay halka loo yaqaano Mukayga.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this