Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo deeq gaarsiisay shacabka Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada AMISOM ee howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa qeybta Jubbaland ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyey shacabka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Deeqda ayaa isugu jirtay raashiin iyo bustayaal qabowga laga dugaashado.

AMISOM ayaa sheegtay in deeqdaasi ay ugu talagaleen qoysaska ay saameeyeen roobab dhaliyey fatahaado oo ka da’ay halkaasi, islamarkaana ay joogteyn doonaan gargaarka ay siiyaan dadka shacabka ah.

Mukhtar Axmed Sahal guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Dhoobley ayaa AMISOM uga mahadceliyay deeqda ay gaarsiiyeen degmadaasi, isaga oo hadalkiisa intaasi ku daray in dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale u caawiyeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

AMISOM oo Soomaaliya ka howgaleysa dhowr iyo toban sano ayaa inta badan deeq gargaar ah gaarsiisa meelaha ay ka jiraan xaaladaha bani’aadanimo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this