Deeq A. Posted January 18, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada Milatari ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga wadaan deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii halkaasi looga saari lahaa Al-Shabaab. Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dagaalameen agagaarka deegaanka Xaaji Cali, kaas oo geystay khasaare kala duwan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites