Sign in to follow this  
Deeq A.

Qardho: 8 ruux oo isbitaalka la dhigay kadib markii ay sumoobeen

Recommended Posts

Deeq A.   

8 ruux oo ka kooban laba qoys ayaa Jimcihii shalay la dhigay isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida laga soo xigtay dhaqaatiirta isbitaalkaasi.

Dadka sumoobay waxa ku jira carruur yar yar kuwaasi oo midkood uu markii dambe geeriyooday sida ay xaqiijiyeen maamulka isbitaalka gacanta ku haya xaaladda caafimaad ee bukaannada.

Mas’uuliyiinta isbitaalku weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ku sumoobaan caanaha in ay la xiriirto wax lagu daray caanaha ama weelka lagu keenay oo aan nadiif ahayn.

Balse waxay sheegeen in ay la tacaalayaan xaaladda caafimaad ee bukaannada oo sida ay tilmaameen qaarkood soo soo bogsanayaan halka qaar kalena ay weli daawo iyo baxnaani ku socoto.

PUNTLAND POST

The post Qardho: 8 ruux oo isbitaalka la dhigay kadib markii ay sumoobeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this