Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga oo war kasoo saaray khasaaraha Shabaab ee dagaalkii Xaaji Cali iyo kan ayaga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaji Cali (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoobaxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in 15 dagaalyahan oo Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in 26 kale oo Shabaab ah lagu dhaawacay dagaalka.

Ciidamada ayaa sheegay in xalay abaare 2:00 AM ay ka hor-tageen dagaal Al-Shabaab u qorsheeyeen ciidanka kadib markii warbixin laga helay qorshahooda, sida ay hadalka u dhigeen.

“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa qirtay in dagaalka ay uga dhinteen 1 sarkaal, 1 sarkaal Xigeen, iyo 2 askari, halka saddex askarina ay uga dhaawacmeen.

Kooxda Al-Shabaab weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this