Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn lala eegtay Al-Shabaab oo la fahfaahiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa war kasoo saarey duqeyn ay Al-Shabaab kula eegteen gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka dhanka cirka ah ayaa la sheegay in uu ka dhacay degaanka Kunya Barow ee gobolkaan hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ay ku dileen laba kamid ahaa dagaalameyaasha xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyntaan ayaa tilmaamtay in ay qeyb ka ahayd howlgalkaas.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan duqeyntaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xarakadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this