Deeq A. Posted January 17, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Galmudug ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas. Jagadaan waxaa ku tartartay laba murashax oo kala ah; Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim. Cabdullaahi ayaa la sheegay in uu ku guuleystay xilkan kadib markii uu helay 59 kamid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiilada. Sidda uu guddigu ku dhawaaqay, Saadaq ayaa la tilmaamay in uu dhankiisa helay 29 cod, waxaana xumaadey hal cod. Kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka, waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay doortaan madxweynaha cusub ee maamul goboleedkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites