Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalada degaano ka tirsan Sh/Dhexe oo degan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Is-rasaaseynta ayaa laga soo wariyey degaanka Xaaj Cali oo ku dhow degmada xeebta leh ee Cadalle ee gobolkaas.

Isku dhaca oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan ayaa yimid kadib weerar ay soo qaadey xarakada.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in uu jiro khasaaro balse uusan caddeyn karin tiradda guud.

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa gaancsiga ayaana caadi kusoo noqday.

Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhaca falal noocaan ah, iyaddoo saraakiisha ammaanka aysan wali ka hadlin arrintaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this