Deeq A. Posted January 17, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Gudoonka ku meel gaarka ah ee baarlamaanka Galmudug ayaa digniin culus wuxuu hawada u mariyey Axmed Ducaale Geelle [Xaaf]. Xasan Keynaan Xalane, afhayeenka ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiilada maamulkaas, ayaa sheegay Xaaf uu yahay madaxweyne waqtigu ka dhamaadey. Mr Xalane oo hadalkiisa sii wata ayaa uga digay Xaaf in uu soo cusbooneysiiyo khilaafka iyo mucaarida dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Mudanaha ayaa carabka ku dhuftay in Xaaf ay muhiim tahay in uu u hogaan-samo heshiiska uu la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, Xildhibaanka ayaa hadalkaan sheegay xili uu khadka telefoonka kula hadlay idaacadda Shabelle ee Muqdisho isla markaana uu siiyey wareysi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites