Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka xisbiyadda Somaliland oo la farageliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Beesha Caalamka ayaa si rasmi ah waxay u faragelisay khilaafka siyaasadeed ee xisbiyadda Somaliland.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fendar, ayaa kulamo la yeeshay dhinacyadda, kadib socdaal uu shalay ku tegay Hargeysa.

Ismaandhaafka ayaa ku saabsan doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka maamul goboleedkaas.

Fendar ayaa mas’uuliyiinta ku tartarsiiyey in ay si wadajir ah u raadiyaan xal ku saabsan sidii doorashooyinka u dhici lahaayeen.

Talaabada saaxiibada caalamka ayaa imaaneysa xili xisbiyadda mucaaradka ku eedeeyeen xukuumada in ay diidan tahay arrintaas.

Doorashooyinka ayaa lix jeer dib u dhacay lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana maamulka talada haya uu cuskaday “xaalado farsamo”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this