Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator: “Shirka ka furmaya Boosaaso waa khiyaano Qaran”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Iyaddoo lagu waddo in uu Boosaaso shir uga furmo Puntland iyo Jubbaland, Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay.

Axmed Macalin Nadiir, gudoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare, ayaa sheegay in kulankaas uu yahay “khiyaano Qaran”.

Mudanaha ayaa daliishaday in madaxweyne Deni iyo dhigiisa Axmed Madoobe, aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan ajendaha ay shaaciyeen in ay ka tashanayaan.

Madaxda kulanka ku yeelaneysa magaalo madaxda gobolka Bari ayaa tilmaamay in ay ka hadli doonan doorashooyinka 2020 iyo arrimaha ammaanka waddanka.

Senator Nadiir oo degaan doorashadiisu tahay Jubaland ayaa shacabka ku waaniyey in aysan dhageysan qodobo kasta oo kasoo baxay shirkaas laba geesoodka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this