Deeq A. Posted January 17, 2020 Athens (SMN) – Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu waramayaa in lagu dilay waddanka Gariiga gaar ahaan magaaladda Lesbos. Dilka marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Axmed ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen Soomaali kale. Ma cadda sababta ka dambeysa geerida Axmed. Hase ahaatee, wararku waxay sheegayaan in uu jiray khilaaf dhexdooda ahaa. Laamaha ammaanka Gariiga ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan, wallow aysan ka jawaabin dalabyo loo diray. Gariiga ayaa kamid ah dalalka ay dhibaatooyin kala duwna loogu geystaa Soomaalida ku nool, kuwaas oo aan badankood cadaalad helin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites