Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhuusamareeb: Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug oo Socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhow xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka bilaaban-doona doorashada guddoonka baarlamaanka 2-aad ee maamulka.

Guddoonka waxaa u taagan musharaxiinta kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo labaduba doonaya jagada guddoomiyaha, waxaa la sheegayaa inuu tanaasulay Cabdullaahi Axmed Calasow Shiine.

Guddoomiyaha Gudiga Doorashada Maxamed Tahliil ayaa hadda sharaxaya habraaca cod bixinta iyadoo dhamaan 89 xildhibaan ee Golaha wakiilada Galmudugna ay diyaar u yihiin doorashada manta.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa kaararka laga siiyey shalay kadib markii muddo laga heystay, waxaana la rumeysan yahay in ay jirto faragelinta xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Wararka doorashada iyo natiijada halkan kala soco

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this